U -hoggaansanaanta Hubinta Heerarka Gobolka

OAR cutubka 581, Qaybta 22aad

Ilaa Noofambar 1 ee sannad kasta, kormeerayaasha degmada dugsi ayaa looga baahan yahay OAR 581-022-2305: Dammaanadaha Degmada ee U Hogaansanaanta Heerarka Dugsiyada Dadweynaha inay uga warbixiyaan bulshadooda heerka ay marayso degmada iyadoo la tixgalinayo dhamaan heerarka dugsiyada hoose iyo sare ee dadwaynaha. Heerarka waxaa ansixiyay Guddiga Waxbarashada Gobolka oo lagu dejiyay Xeerarka Maamulka Oregon cutubka 581, Qaybta 22.

Dukumeentiga ku lifaaqan wuxuu ka kooban yahay soo koobida Salem-Keizer Public School District u hogaansanaanta mid kasta oo ka mid ah shuruudaha sharciyada maamulka Oregon ee laga helo QAYBTA 22 – HEERARKA DUGSIYADA HOOSE IYO SARE inta lagu guda jiro sanad dugsiyeedka 2021-22. Xeer kasta oo lagu soo sheegay in aanu waafaqsanayn, Salem-Keizer Public School District waxa ay bixisay sharraxaad ku saabsan sababta dugsigu u hoggaansami waayay iyo qorshaha waxqabadka sixitaanka ee degmadu soo jeedisay si uu u hoggaansamo. Talaabada sixitaanka waa in ay ogolaato ODE oo ay dhamaystirto degmadu bilawga sanad dugsiyeedka 2022-23